Wafdi hor dhac u ah Ra’iisal Wasaare Kheyrre oo gaaray New York.

Wasiirka Arimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo Wafdi uu hogminaayo ayaa gaaray magaalada New York ee Dalka Maraykanka waxa ayna hor dhac u yihiin Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre oo ka qeyb galaya Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Xasan Cali Kheyrre Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu ka baxo magaalada Muqdisho kana qeyb galo Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo sanadkiiba mar la qabto.

Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay in maanta shirar  gooni gooni ay ay la qaadan doonaan Mas’uuliyiin ka kala socota dalalka Caalamka oo Shirkaan ka qeyb galaya.

Dhinaca Kale Wasiirka Arimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa New York kaga qeyb galaya Shir kale oo soo qaban qaabisay Dowladda Maraykanka kaas oo sanadkiiba mar dhax-mara Maraykanka iyo qaar ka mid ah Dowladaha Muslimka ah waxaana looga hadlaa sida Maraykanka iyo Muslimiinta isaga kaa shaan lahaayeen amniga.

Madaxda shirkaasi ka qeyb galaya ayaa waxaa ka mid ah hogaamiyaal Dowladda Maraykanka ay muwaadiniintooda ka mamnuucday in Maraykanka u safraan sida Soomaaliya Ciraaq iyo kuwa kale.

You might also like More from author