Waf xildhibaano iyo sarakiil ka tirsan dowladda dhexe oo gaaray degaanka balanbale

Degmada Balanbal ee Gobolka Galgaduud waxaa goordhaw gaaray taliyayaasha ciidamada qaybahooda kala gadisan,Xildhibaano katirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo maalmahaan ku sugnaa Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Wafdigaan saraakiisha iyo xildhibanada kakooban waxaa balanbal kusoo dhaweeyay madaxwayne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabay, gudoomiyaha Degmada balanbal iyo qaybaha bulshada kuwaa oo kaga hortagay duleedka magaalada waxaan loo soo galbiyay Gudaha Magaalada.Image may contain: one or more people, people standing and outdoor

Saraakiisha ayaa Balanbal kula wareegi doona miliishiyo deegaanka ku sugan si loo qarameeyo loona yareeyo halista hubka gacantooda kujira sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka.Image may contain: 2 people, people standing and outdoor

Taliyaha Xoogga S/Gaas Indha_Qarsho , Saraakiisha Talisyada Kale Ee Ciidamada iyo Xildhibaano ayaa saakay ku baxay  Wuqooyiga Galgaduud iyaga oo tagi doona Xeraale, Huurshe,Balanbal oo ay hada ku suganyihiin iyo Caabudwaaq oo Laga Bilaabayo Diiwaan Galinta Habraaca Qarameynta Ciidamada Halkaa Dowladu kula Wareegtay Dhowaan si loo qarameeyo.Image may contain: 7 people, people smiling, people standing and outdoor

Wafdigan ayaa soo Mari doona Dhamaan Goobaha Kale ee Lagu Maleynayo Ciidamo u Baahan in la Qarameeyo waxa ayna Tilaadan Daba socotaa Howsha Dhuusamareeb ka Socota ee Qarameynta Ciidamadii AhluSunna ee Dowladu La Wareegtay.Image may contain: 2 people, people standing and outdoor

You might also like More from author