Wadan ka mid ah qaarada Afrika oo magacii lagu yiqiin iska bedelay

Boqorka dalka Swaziland Boqor Mswati III ayaa ku dhowaaqay inuu ka bedelay magaca dalkiisa ee Swaziland una bixiyay “Boqortooyada eSwatini”.

Bedelida magaca dalka Swaziland ayuu boqor Msawati III waxa uu ugaga dhowaaqay garoon kubbada cagta ah oo loogu dabaaldegayay sanad-guuradii kontonaad eeka soo wareegatay xornimada wadankaas.

Magacan cusub, eSwatini ayaa la micno ah “Dhulkii Swaziga”inkastoo bedelida magaca uu ahaa mid aan hore loo fileyn balse Boqor Mswati ayaa sanadihii la soo dhaafay dalkiisa ugu yeeri jirey magacan cusub ee eSwatini.

Wararka waxa ay sheegayaan in magacan uu ahaa kii uu boqorku isticmaalay markii uu qudbad u jeedinayay golaha guud ee Qaramada Midoobay sanadkii 2017 iyo weliba furistii Baarlamaanka dalkiisa sanadkii 2014.

Hoggaanka wadanka Swaziland ayaa lagu eedeeyaa inuu ku tunto xuquuqda aadanaha iyo weliba in uu mamnuucay xisbiyada kana reebay siyaasada haweenka dalkaas.

Boqor Mswati oo ah 50 jir ayaa ka dhaxlay boqornimada aabihii Boqor Sobhuza II oo muddo 82 sano ah boqor u ahaa dalkaas. Boqor Mswati waxa uu leeyahay 15 xaas halka sida dadka taariiqa ah qora ay sheegeen in aabihii uu lahaa 125 xaas.

Boqorkan oo lagu naaneyso Libaax ayaa ku caan ah xaasaska badan ee uu guursado iyo weliba sida uu daacada ugu yahay dharka hiddaha iyo dhaqanka ee uu caanka ku yahay dalkiisa.

You might also like More from author