Waare: “Sharciga ayaa la marsiinayaa cidkasta oo dishay Taliye Macow”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaalada Baladweyne ka sheegay in caddaaladda la horgeynayo cid kasta oo ku lug lahayd  dilkii taliyihii qeybta Booliska Hiiraan loogu geystay Gobolkaasi.

Waare oo shalay gelinkii dambe tagay Magaalada Baladweyne ayaa waxaa uu ku xayirmay Garoonka diyaaradaha markii ay dadweyne taageersan Yuusuf Dabageed dibadbax ka dhan ah Waare ka dhigeen Magaalada.

Ciidamada AMISOM oo ay ahayd in ay Waare geliyaan gudaha Magalaada ayaa dib ugu laabtay xeradooda markii ay ka hortageen dad careysan.

Ciidamada dowladda Federaalka ah ee jooga Gobolka Hiiraan ayaa xalay fiidkii Madaxweynaha geliyay Magaalada,waxaana ay dejiyeen Xerada Lama galaay oo ciidanka fariisin u ah.

Waare ayaa shir jaraa’id oo uu ku dhexqabtay xerada ka sheegay in dadkii ka dambeeyay dilka Taliye Macow ay caddaaladda wajihi doonto.

You might also like More from author