Waa nuucee Doorashada ka Bilaabatay Deegaanada Maamulka Puntland.

Doorasho Nuucedu Yahay qof iyo Cod ayaa markii ugu Horeysay Maanta ka bilaabatay Deegaanda Maamulka Puntland.

musharaxiin gaareeya ilaa iyo 449 Musharrax ayaa ka qeyb qaadanaya Doorasha oo ka dhaceysa ilaa iyo saddex Degmo oo ka midaa Deegaanada Maamulka Puntland.

Degmooyinka ay ka dhacayaan doorashada ayaa kala ah:- Qardo, Eyl iyo Ufeyn.

Ciidamo boolis ah oo aad u fara badan ayaa lagu arkayaa goobaha ay ka dhacayaan doorashada qof iyo cod ka ee ka bilaabatay Maamulka Puntland.

Doorashada oo tii ugu horeysay oo nuuceeda lagu qabto Soomaaliya tan iyo burburkii dowladnimo ayaa  waxaa ku tartamaya goleyaasha deegaanka 8 urur siyaaaadeed oo kala ah, Kaah, Mideeye, Horseed, Caddaalad iyo Sinnaan, Runcad, Mustaqbal, Ifiye iyo Shaqaalaha.

Sidoo kale ilaa 449 musharrax ayaa ku tartamaya 87 kursi oo ah goleyaasha deegaanka saddexda degmo. Qardho waxaa ka soo baxaya 33 kursi, Eyl 27 kursi, halka sidoo kale Ufeyn ay ka soo baxayaan 27 kursi.

You might also like More from author