Waa kuma ninka ka dambeyay Dagaalka Soomaaliya iyo Kenya

Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda arrimaha Dibadda Dalka Kenya Kamau Macharia ayaa xiisadda Soomaaliya iyo Kenya gaarsiisay meeshii ugu sareysay.

Amb. Macharia Kamau oo kulan la yeeshay Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji, ayaa qoraal barta Twitterka Wasaaradda Arrimaha Dibadda lagu sheegay in Kenya iyo Somaliland ka wada shaqeynayaan iskaashiga labada dal, kaasoo loo arkayay culeys siyaasadeed oo ay Soomaaliya ku saareysay

Kamau Macharia ayaa Twitterka ka tiray warbixintii muranka dhalisay ee uu ku sheegay inay Somaliland tahay mid ka madax banaan Soomaaliya iyo dhammaan macluumaadkii kale ee la socday.

Diplomaasigaan oo wax laga waydiiyey xiisadda uu sii huriyey ee Kenya iyo Soomaaliya isagoo la hadlayey Shabakadda Wararka Kenya ee  Kenyans.co.ke ayuu sheegay inuusan diyaar u aheyn inuu ka hadlo warbixintaas muranka dhalisay.

You might also like More from author