Waa imisa lacagta musharaxa u tartamaya xilka madaxweynaha jubbaland

Guddiga Doorashada iyo xuduudaha ee dowlad Goboleedka Jubaland ayaa maanta shaaciyay Jaantuska isdiiwaangelinta iyo shuruudaha doorashada Madaxweynaha.

Warqadaha ka soo baxay Guddiga ayey ku sheegeen in isdiiwaangelinta musharrixiinta ka billaabaneyso maanta oo Khamiis ah kuna egtahay maalinta Sabtiga ah.

Shuruudaha Musharrixiinta ayey sidoo kale shaaciyeen Guddiga waxaana ka mid ah bixinta lacag gaareysa $30,000 (Soddon kun) oo doollar.

Sidoo kale waxaa shuruudaha ka mid ah musharrixiinta Haweenka ah in ay bixinayaan $15,000 (shan iyo toban kun) oo doollarka Mareykanka ah.

Qodobada kale ayaa waxaa ka mid ah warqadaha dambi la’aanta, sawirro teesare ah iyo qorshaha musharraxa.

You might also like More from author