Ummada Islaamka oo maanta u dabaal degaya Munaasabadda Ciidul Adxaa

Ummada islaamka ayaa maanta u dabaal degaya maainta koowaad ee Ciidul Adxaa, maadaama shalay Malaayiin Xujey ah ay u istaageen Banka Carafo kadib markii ay soo guteen Acmaasha Xajka.

Dadka Muslimiinta ah ayaa maanta iyaga oo xiran dhar cusub oo aad u qurxoon waxa ay isugu imaanayaan Masaajidada iyo Barxadaha waa weyn halkaasi oo ay ku dukanayaan labada rakac ee salaada Ciida.

Magaalada Muqdisho sidoo kale waxa ay ka mid tahay goobaha maanta sida weyn looga dabaaldegayo maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa, waxaana goobaha loo dalxiis tago isugu imaanaya shacab aad u fara badan.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Ra’iisul Wasaaraha dalka iyo masuuliyiin kale oo Dowladda ka tirsan ayaa la filayaa boqolaal shacab ah salaada Ciida ay kula tukadaan Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee Muqdisho.

Sidoo kale Madaxda maamul goboleedyada ayaa shacabkooda waxa ay salaada Ciida kula tukanayaan Masaajidada iyo Barxadaha waa weyn ee magaalooyinkooda.

You might also like More from author