Uganda oo Walaac Ka Muujisay Weerarada Al-Shabaab

Dowladda Uganda ayaa walaac ka muuisay Weerarada ay geysanayaan Al-Shabaab ee ka dhacaya Gudaha Soomaaliya iyo sidoo kale kuwo lala eegto Ciidamada AMISOM Xilliyadda ay ku jiraan Safarka.

Taliyaha ciidanka Uganda ee Soomaaliya Brig. Kayanja Muhanga ayaa sheegay in Al Shabaab ay kordhiyeen Weerarada ay ku qaadayaan Ciidamada dowladda Uganda ee ka howlgalla Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay sidoo kale in Al-Shabaab Miinooyin badan ay ku aaseen Wadada Xirta Magaalada Baydhabo iyo Muqdisho.

Taliyaha ayaa xusay in ciidamada AMISOM ay waxyeelo badan ay kasoo gaartay weeraro ay maleegeen Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weeraro Khasaare badan dhaliyay ku qaaday Ciidamada AMISOM ee ka howlgalla Soomaaliya.

Weerarkii ugu dambeeyay ee lagu laayay Ciidamada Uganda ee joogga Soomaaliya ayaa ka dhacay degaanka Goobweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

You might also like More from author