Tukarraq: Somaliland oo ku baaqday xabbad joojin iyo wadahadal

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in uu diyaar u yahay xabbad joojin uu la galo maamulka Puntland oo ciidamo kala taabacsan ay ku dagaallamayaan degaanka Tukarraq ee Gobolka Sool.

Sheekh Khaliil Cabdullahi Axmed,wasiirka Diinta ee Maamulka Somaliland ayaa sheegay in dhinaca maamulka Somaliland uu diyaar u yahay wadahadal in uu la galo maamulka Puntland islamarkaana la joojiyo xabadda ay isu adeegsanayaan labada Ciidan.

Waxaa uu sheegay in ay dambi tahay in dhiigga dadka Islaamka ah la daadiyo iyada oo waliba lagu jiro Bisha Ramadaan,waxaana uu ku baaqay in dhinaca Puntland ay soo jeedintaas qaataan.

Sheekh Khaliil ayaa sheegay in Somaliland aysan wali gaarin halkii ay dooneysay oo ah sida uu sheegay Sohdintii Gumeysiga ku kala qeybiyay Soomaaliya.

Waxaa uu xusay in Somaliland ay tahay dowlad nabadeed islamarkaana dagaalka Tukarraq uusan ahayn mid faa’ido ugu jirto labada dhinac.

Ciidamada Maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa ay wali ku dagaallamayaan degaanka Tukarraq ee Gobolka Sool,halkaas oo uu dagaal ka billowday billowgii Sanadkan.

You might also like More from author