TOP NEWS:- Ra’iisal Wasaare Kheyrre oo maanta ku wajahan Turkiga

Xasan Cali kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in uu ka duulo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan “Aadan Cadee” isaga oo ku sii jeeda magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Warar aan ka helnay qaar kamida saraakiisha xafiiska Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa xaqiijiyay in maanta u duuli doono Ra’iisul wasaare Kheyrre wadanka Turkiga, isaga oo halkaasi kula soo kulmaya Madaxda dalkaas ugu sareysa sida Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalkaasi Binali Yildirim.

Ujeedka socdaalka Ra’iisulwasaare kheyre ayaa lagu sheegay sidii uu dowlada Turkiga ugala soo hadli lahaa ishkaashiga xoojinta xiriira labada wadan, oo ay ka mid yihiin arrimaha dhaqaalaha, taageerada Soomaaliya ee Turkiga, iyo waxyaabo kale.

You might also like More from author