TOP NEWS:- Madaxweyne Farmaajo oo maanta soo gaba-gabeynaya Safarkii uu ku tagay qaar ka mid ah Dalalka ay Ciidanka ka joogaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabanaya magaalada Muqdisho ka dib muddo dhowr cesho ah uu ku maqnaa Dalalka ay Soomaaliya Ciidanka ka joogaan kuwaas uu kala soo hadlayay sidii Dowladda Soomaaliya loo siin lahaa Taageero Military oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo ku sugan Jabuuti ayaa lagu wadaa in maanta gilinkii dambe soo gaaro magaalada Muqdisho waxaana  saacadihii la soo dhaafay kulamo la qaatay dhiggiisa Dalka Jabuuti.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya hogaamiyaasha Dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Uganda uu ka helay Taageero military oo ka dhan ah Al-Shabaab Howlgalkaas oo dhawaan ka bilaaban doono Gobalada Koonfurta iyo Bartamaha.

Al-Shabaab ayaa maamulo meelo badan oo ka mid ah Gobalada Soomaaliya waxaana meelaha aysan maamulin laga dareemaya Qatar-tooda oo saameyn xoog leh ku yeelatay dhinaca amniga.

You might also like More from author