TOP DHAGEYSO:- Xukuumadda Somalia oo sheegtay inuusan jirin Musharax ay ka Taageereyso Doorashada Hirshabeelle

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhexdhexaad ka tahay doorashada Maanta ka dhaceysa Magaalada Jowhar.

Waxaa uu sheegay in aysan jirin  cid ay taageerayso dowladda Soomaaliya  Laakiin ay yihiin oo kaliya fududeeyayaal.

Wasiir Juxa ayaa sidoo kale tilmaamay in doorashadu ay tahay mid maamul goboleed, islamarkaana dowladda Soomaaliya ay la socon doonto sida ay u dhaceyso.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo baxaayay warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay taageerayso qaar ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Hirshabeelle.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO

You might also like More from author