TOP DHAGEYSO:- Guddoomiyaha Hiiraan “DF way ka gaabisay Dagaalka Shabaab”

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gaabisay dagaalka Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in dowladda aysan dhaqaalo iyo taageero Millatari aysan siinin Ciidamada ku sugan gobolka Hiiraan si ay Al-Shabaabka ku sugan degaano ka mid ah gobolka uga saaraan.

Waxa uu xusay in Dowladda ay siyaasado kale isaga mashquulsan tahay islamarkaana aysan ahmiyad siin xoreynta gobolada dalka.

Guddoomiye Cali Jeyte Cusmaan ayaa sidoo kale dowladda ku dhaliilay ineysan diyaar u ahayn oo aysan u soo jeedin howlaha dib u heshiisiinta ee laga dhex sameynayo dadka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in dib u heshiisiin dhab ah loo baahan yahay, Madaxweynaha ayuu sheegay in qodobada uu balan qaaday ay qeyb ka ahayd dib u heshiisiinta.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO

You might also like More from author