TOOS U DHAGEYSO: Wararkii ugu Dambeeyay dagaalka ka socda Muqdisho & Barakac ka bilowday Degmada Dayniile

Wararkii ugu dambeeyay aan heleyno ayaa sheegaya in wali dagaal uu ka socdo magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Dayniile ee Gooblka Banaadir.

Dagaalkan ayaa saaka bilowday wuxuuna u dhaxeeyaa ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta iyo kuwo ka tirsan Meleteriga Soomaaliya oo deegaanka Haanta-Dheer fariisin ku leh, waxaana la sheegay in ciidamadaas ay diideen in ay halkaasi ka guuraan kadib markii lgu amray.

Barakac xoog leh ayaa ka bilowday deegaanka uu dagaalka ka socdo, waxaana ilaa hada jirin war ka soo baxay dowlada Soomaaliya oo ku saabsan dagaalka.

Wariye ku sugan meel ka fogeyn halka uu dagaalka ka socdo ayaa sharaxaya sida xaalada tahay iyo Rasaasta goos gooska ee dhaceysa.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO

You might also like More from author