Toogasho ka dhacday Iskuul ku yaalla Dalka Ruushka oo 11 Qof la dilay

Warar hordhac ah ayaa kasoo baxaya Toogasho ka dhacday maanta oo talaado aheyd iskuul ku yaalla Dalka Ruushka.

11 qof ayaa la sheegay in la dilay iyadoo 16 qof oo carruur ubadnaa dhaawac soo gaaray.

Falkaan ayaa ka dhacay Magaalada Kasan Ee Koonfur Galbeed Dalka Ruushka,waxaana la beegsaday iskuul Carruurta wax ku bartaan.

Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Tataristaan,Rastam Miniqaanoof ayaa sheegay in falkaan baaritaan kusameyn doonaan inuu yahay Argagaxiso iyo in kale.

You might also like More from author