Toogasho ka dhacday Goob Xaflad Dhalasho lagu qabtay Dalka Mareykanka

Inta la og yahay Lix qof ayaa lagu dilay iyadoo ay mid kale la dhaawacay weerar ka dhacay Goob xaflad dhalasho ka socotay Gobolka Colarado Dalka Mareykanka.

Saraakiil katirsan Ciidamada Booliska ayaa sheegay in qaraxa toogashada ay aheyd mid kala carar sababtay.

Waxa meesha iskugu yimid qoyska qofka dhalashada dhiganayey,iyadoo abaare 12:18 saqdii dhexe Xilliga Gobolka Colarado ay dhacday Toogashadaasi.

Qofka dhaawacmay ayaa la sheegay in uu ahaa cunug yar oo goobta kusugnaa,mana jirin faah faahino kale oo la helay toogashadaasi.

Ilaa hadda lama sheegin in weerarka ahaa mid argagaxiso iyo in kale,iyadoo lasoo sheegayo in baaritaano ay socdaan.

You might also like More from author