Tira Maxaabiis ah oo Ka Baxsatay Xabsiga Dhexe Ee Magaalada Hargeysa

Wararka aan ka heleyno Magaalada Hargeysa ee Maamulka Soomaaliland ayaa waxa ay sheegayaan in tira Maxaabiis ah oo ku xirnaa Saldhiga Dhexe ee Magaalada Hargeysa ay Xabsigaasi ka baxsadeen.

Mxaabiistaan ayaa la sheegayaa in ay kor u dhaafayaan ilaa tobaneeyo,kuwaas oo Saldhiga Magaalada Hargeysa ugu xirnaa dambiyo kala duwan oo lagu eedeeyay in ay galeen.

Wariyaal ku sugan Magaalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegeen in Maxaabiistaas ay dumiyeen qeyb ka mid ah darbiga Saldhiga oo ah halka ay ku xirnaayeen kadibna ay baxsadeen.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in dadka Xabsigaasi ka baxsaday ay ku jireen rag Maanta ku balan sanaa in la Maxkamadeeyo.

Ciidamada Booliska ee saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa ayaa bilaabay howlgal ay ku baadi goobayeen tirada Maxaabiista ah ee Xabsigaas ka baxsaday,waxaana la sheegay in qaar ka mid ah Gacanta ay ku soo dhigeen halka kuwo kale ay weli maqan yihiin.

You might also like More from author