Tartamayaal orod ka qeyb galayey oo xaalad aysan fileyn la kulmay

Tartan orod ah oo ay ka qeyb galayeen dad badan ayaa waxa buuraha shiinaha iyagoo marayey waxa ku qabsaday roob dabeylo watay.

Wakaalada wararka Shinwaa ayaa tebisay in 21 qof ay ku dhinteen dabeysha roobka ka dhalatay tiro kalena waxa soo gaaray dhaawacyo jireed.

Dhul buureed webi udhaw ayuu tartanka ka socday Magaalada Ba’iyiin Ee Gobolka Gansuu.

Sawirro lasoo qaaday waxa kasoo muuqday dad dhaawacyo qaba oo kooxaha samafalayaasha ay ula sii cararayeen xarumaha caafimaadka.

Waxay si gaar ah tartamayaasha ka qeyb galayeen orodka masaafadiisu tahay 100 kiilo mitir,waxaana laga digay roob kale oo saameyn ku yeesha dadka deegaanadaasi inuu ka da’o saacadaha soo socda.

You might also like More from author