Taliyihii Booliiska Qeybta Hiiraan oo lagu dilay duleedka baladweyne

War hada ah: Taliyihii qeybta Booliska gobolka Hiiraan Gaashaanle Dhexe Maxamed Mocow ayaa la sheegayaa in uu ku dhintey dagaal ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne.

 

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamo taabacsan Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Yuusuf Axmad Hagar ( Yuusuf Dabageed) iyo ciidamada Booliska Gobolka Hiiraan.

You might also like More from author