Taliyaha Ugu Sareeya Amisom oo Kor-Meeray Xarumaha Ciidanka Ugandha ee Muqdishu.

Taliyaasha ugu sareeya Howlgalka  Amisom ee Soomaaliya, Diomede Ndegeya, oo uu wehliyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dowladda Soomaaliya General Odowaa Yusuf Raage, ayaa booqday xarumaha Taliska Ciidamada Yuganda ee Magaalada Muqdisho.

Labada masuul waxaa ay warbixin kaga dhageysteen qeybaha kala duwan ee ciidamada Yugandha  iyagoona ka warbixiyay shaqooyinka  kala duwan ee ay u hayaan ciidanka Yugandha eek u jira Howl galka AMISOM iyo weliba  dadaalada wax ku oolka ah ay ciidankaasi la garab taagan yihiin kuwa dowladda Soomaaliaya gaar ahaan ka gacansiinta sugida  sugidda amniga dalka.

General Odowaa Yuusuf Raage ayaa ku amaanay ciidanka Ugaandha doorka ay ka ciyaarayaan Nabadeenta Dalka.

Ugandha ayaa ciidanka ugu badan ku leh howl galka Midowga Afrika ee AMISOM.

By:MOHAMED YAHYE JINOW

You might also like More from author