Taliyaha Ciidanka dhulka Xoogga Dalka oo gaaray Baraawe.

Taliyaha Ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Tahliil Biixi ayaa maanta gaaray magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, waxaana garoonka diyaaradaha Baraawe ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu kamid yahay guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Shabeellada Hoose iyo saraakiisha ciidanka xoogga ee ku sugan Baraawe.

Taliyaha ayaa halkaasi u tagay Indhaindheeynta Doorshada golaha shacabka oo dhawaan ka dhici doonta Magaalada Baraawe Sidda ay shegeen Guddiga Doorashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Taliyaha ayaa inta uu halkaasi joogo waxaa uu kulamo la qaadan doono Saraakiisha Ciidamada iyo masuuliyiin Degmada Baraawe, Waxaana halkaasi uga sii horeeyay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed iyo Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed.

Baraawe ayaa ah Degaan doorshada labaad ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaan Maalmaha soo socda lagu qaban doonaa kuraas kamid ah Doorshada Golaha shacabka.

Dhawaan ayaa sidoo kale lageeyay Magaalada Baraawe Ciidamo isugu jiro boliis iyo militari iyagoona ka qeeyb qaadan doono Sugida Amniga Doorashooyinka.

You might also like More from author