Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland oo dhaawacay taliye ku xigeenkiisa

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Cabdiqaadir Faarax Shire uu dhaawacay taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Puntland  Bile Faarax Cali.

Kulan u dhaxeeyay Laamaha Amniga ayay ku wada sugnaayeen labada Mas’uul, waxaana la sheegay in kulanka dhexdiisa uu ka dhashay Khilaaf, u dhaxeeya labada taliye iyo Gudoomiyaha Nugaal Cumar Faraweyne.

Ka dib gacal hadal ayaa waxaa Bastoolad lasoo baxay Taliye Erag oo dhaawacay taliye ku xigeenka.

Weerarkan ayaa ka dhacay Hotelka Jubba ee magaalada Garowe waxaana sidoo kale goobtaasi ku sugnaa taliyayaashii Amniga ee Puntland.

Waxaa xusid Mudan in labada Taliye u dhaxeeyay maalmihii lasoo dhaafay Khilaaf, islamarkaana ay kala taageersan yihiin Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka oo xurguf ay ka dhaxeyso.

You might also like More from author