Taliyaha Booliska Soomaaliya Oo Saraakiil Xilal Cusub umagacaabay

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya General Cabdi Xasan Xijaar ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay taliyeyaal cusub.

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa Saraakiil Cusub u magacaabay Degmooyin katirsan Gobollada Dhexe.

Taliyeyaasha la magacaabay ayaa ka ah:

Gaashaanle Mohamed Mire Maxamuud ayaa loo magacaabay Taliye Kuxigeenka Qeybta Booliska Gobolka Mudug.

Gaashaanle Maxamed Xasan Warsame oo laga dhigay Taliyaha cusub Saldhiga Booliska Dhuusamareeb

Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Matabaan oo loo magacaabay Dhamme Nuur Cilmi Maxamed 

Labo xiddigle  Xasan Xirsi Shidane sargaal katirsan Saldhiga Booliiska Dhuusamareeb

Labo xiddigle  Xasan Cabdi sargaal katirsan Saldhiga Booliiska Dhuusamareeb

You might also like More from author