Taliska Soomaaliyeed oo sheegay in ay qabteen burcad dhac ka geysaneysay Muqdisho.Taliska Soomaaliyeed oo sheegay in ay qabteen burcad dhac ka geysaneysay Muqdisho.

Howlgal qorsheysan oo Ciidamada Booliiska Dowladda Federaalka Soomaaliya Xalay ka sameeyeen Degmada Warta Nabadda ee Magaalada Muqdisho waxa ay kusoo qabteen koox burcad ah oo dhac u geysaneysay dadka shacabka ah.

Taliye ku xigeenka Booliiska Soomaaliya Sakiyo Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Ciidanka boliiska dadka deegaanka ay ku wargeliyeen kooxda dhaca ku howlaneed, iyagane ay u direen ciidamo soo qabta.

“ka dib marka ay warbixin ka heleen shacabka degmada ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan 3 burcad oo hubaysan oo shacabka ku dhici jiray degmooyinka Warta Nabadda iyo Yaqshiid halka mid kale isku dayay in uu fakado, Israsaaseyn ka dib ciidanka ayaa gacanta ku soo dhigay burcadkaas” ayay tiri taliye Sakiyo.

Ciidamada Booliiska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgalada lagu sugayo amniga Caasimadda, waxaana xiliyada habeenkii ay roondo ku maraan xaafadaha waddooyinka qaar ee Muqdisho.

Habeen kahor Ciidamada Booliiska Degmada Hodan ayaa toogtay nin la sheegay in uu ahaa Burcad dadka Toorey ku baaran jiray, halka mid kale uu baxsaday.

You might also like More from author