Taliska Booliiska Gobolka Nugaal oo faahfaahin ka bixiyay Rasaas laga maqlay Garawe.

Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal ayaa faahfaahin ka bixiyay Rasaas xooggan oo xalay saqdii dhexe laga maqlay Caasimadda Garoowe.

Taliye ku xigeenka Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Ilyaas Isaaq Maxamuud oo hadal kooban siiyay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in Rasaastaas dhexmartay Booliiska oo hawlgal ku jiray iyo Cabtooy hubaysan sida uu hadalka u dhigay.

G/sare Ilyaas ayaa xaqiijiyay in aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay iska hor-imaadka labada dhinac oo ka dhacay nawaaxiga buundada dhinaca bari ka xigta magaalada Garoowe.

Sidoo kale wuxuu ku hanjabay in tallaabo adag laga qaadi doono kooxaha ka ganacsada Khamriga oo sida uu sheegay halis ku ah Amniga Caasimadda iyo guud ahaan Gobolka Nugaal.

You might also like More from author