Taliban oo ka hadashay dagaal ay la galeen ciidamada Iran

Taliban iyo Iran ayaa xaqiijiyay in dagaal uu ka dhex qarxay ciidamada ilaalada xuduudda ee labada dal, laakin uusan dagaalkaasi geysan wax khasaare ah.

Warsaxaafadeed uu habeenkii xalay ahaa baahiyay afhayeenka Taliban Zabiullah Mujahid ayuu ku sheegay in is faham-darro ciidamada ah uu dhaliyay dagaalka ka dhacay gobolka Nimruz ee Afghanistan oo ku yaalla xuduudda.

Mujahid ayaa sheegay in xaalku uu hadda deggan yahay ayna hoggaanka Taliban soo saareen tallaabooyin looga hortagayo in isfaham-waa noocaan ah oo markale dhaco.

Warbaahinta Iran ayaa ku eedeeyay Taliban in ay dagaalka bilowday ka dib markii ay Arbacadii rasaas ku furtay fariisin ay lahaayeen ciidamada Iran, ka dib jahawareer ku aaddan marinka soohdinta labada dhinac

You might also like More from author