Tagsiile Soomaali ah Oo Lagu Dilay Dalka Mareykanka

Muwaadin Soomaaliyeed oo ku shaqeysanayey xirfada Tagsiilenimada ayaa lagu dilay Minnesota dalka Mareykanka.

Nin hubeysan oo doonayay in uu dhac u geysto ayaa muwaadinka Soomaaliyed oo lagu Magacaabi jiray Cabdullahi Maxamed Cabdullaahi waxaa uu ku dilay Magaalada Moorhead ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Booliska Magaalada ayaa ay sameeyeen howlgal ay kusoo qabten Ninka dilka u geystay Muwaadinka Soomaaliyeed, iyaga oo sidoo kale wada baaritaan dheeri ah oo la xiriira dilka.

You might also like More from author