Soomaaliya Xiligan Lacag Nuucee ah ayey u baahantahay in loo soo Daabaco?

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa Warbaahinta u sheegay in Bankiga aduunka iyo Hay’adda lacagta aduunka ay ku qanceen hufnaanta Nidaamka Maaliyadda ee Dalka, ayna u gudbeen wajiga labaad ee habka deen cafinta Soomaaliya.

Wasiir beyle ayaa sidoo kale soo bandhigay Lacag Cusub oo Shillin Soomaali ah taas oo isugujirta 5,000 iyo 10,000. Haddii Qorsha sidaan yahay Lacagta la soo daabacayo ay u yartahay 1,000 (Kun Shillin) .

Wasiirka Maaliadda Xukuumada Soomaalia  dalka waxa uu ku wadaa Waddo dhib iyo qatarteeda leh hadii aan laga hortagin.

Soomaaliya Xiligan ma u baahantahay in Lacag loo soo Daabaco?

Waa Su’aal qof walbo ku taagan,siyaabo kala duwana looga Jawaabi karo,Soomaaliya Haa Lacag wey u baahantahay in loo soo Daabaco laakiin Nooca Lacagta ay dooneyso waa sidee?

Maadaama Dalka kabasho ku jiro,Burburna ka soo baxayo Baahida Jirta ee ah in la helo Lacag Shillin Soomaali ah waa mid taagan,waxaana loo baahanyahay lacag qiimo leh oo Shillimimaad leh si Nolosha Hoose qofka joogo u awoodo in uu wax ku iibsan karo Boqol Shillin iyo wixii ka yar,laakiin haddii ay noqoto mid la iska gaaray oo go’aan la iska qaatay iyada oo aan la weydiin Bulshada la rabo in ay isticmaasho lacagtaan waa dhib iyo Culeys kale.

Maxaa Shacabka la Gudboon.

Soomaalidu waxa ay ku Maahmaahdaa “Biyo inta aysan ku soo gaarin ayaa la iska moosaa” Fal Celin dhab ah waa in la Muujiyaa si looga hortago halista Culus ee Wasiirka Maaliyadda la damacsanyahay Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxman Ducaale Beyle waxa uu ka mid yahay Shaqsiyaadka Aqoonta Maaliyeed lagu tabayo laakiin haddii uu sidaan ku qancay Qorshe kale ayaa u qarsoon.

Lacagta Shilinka Soomaaliga ayaa noqotay mid qiimo beeshay oon xitaa hada laga isticmaalin qeybo kamid ah dalka, waxa ayna bulshada Soomaaliyeed ku taameysay in la helo lacag bedesha kunka Shiling lana helo lacag tayo leh oo la heer ah kuwa caalamka.

Dadka ku xeel dheer arimaha Maaliyada ayaa layaab ku tilmaamay in Wasiirka soo bandhigo sameynta lacag 5-kun iyo 10 kun Shiling Soomaali ah , halka markii hore dhibaato lagu qabay kunka Shling.

W/Q Cabdiraxmaan Diini

You might also like More from author