Soomaaliya Oo war cusub kasoo saartay Kiiska Dacwada Badda

Ra’iisal wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Abuukaato Mahdi Guuleed Khadar ayaa ka jawaab celiyey Warar soo baxayey saacadihii lasoo dhaafay oo ahaa in dib usoo laabashada Xiriirka Dawladaha Kenya iyo soomaaliya uu sahli karo ka tanaasulida Dacwadii Badda.

Mahdi Guuleed oo arintaas ka fal celinayey ayaa Bartiisa Twitterka Qoraal kooban Af Ingiriis ku qornaa ku yiri:

36
36

Dooda ka dhalatay Muranka Badda waxay tahay mid soo gaba gabowday oo Maxkamada ICJ dhageysatay Kiis Dacwadeedkeeda intii udhaxeysay 15-kii ilaa 18-kii Maarso Sanadkaan,waxaan sugeynaa oo keliya waa go’aanka Maxkamada,waa labo jiho oo aan islaheyn dib usoo laabashada Xiriirka Labada Dal iyo Dacwada Maxkaamda hortaalla,ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Khamiistii Isbuucii Hore Dawlada Soomaaliya ayaa shaacisey in dib usoo noqday Xiriirkii ka dhaxeeyey Dalalka Soomaaliya & Kenya Balse waxay ku sifeysay mid ku kooban Diblomaasiyadii oo lasoo celiyey,hayeeshee meesha ka saartay in Muranka badda uu qeyb ka yahay waxa laga heshiiyey.

You might also like More from author