Soomaaliya oo ujawaabtay Kenya Kadib Xayiraadii Saaka Duulimaadyada

Dawalda Kenya ayaa maanta gelinkii hore waxay soo saartay war qoraal ah ay ku sheegtay in ilaa bisha Agoosto xayiraad saartay Diyaaradaha Ka baxa Soomaaliya inay dalkeeda tegaan.

Tani ayey Kenya uga goleedahay in cadaadis saartay xukuumada Muqdisho si loogu fasaxo suuqeeda khaat-ka Ee Soomaaliya yimaada.

Wasiirka Wasaarada gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa jawaab uu ka bixinayey Qoraalka Kenya soo saartay waxa uu yiri:

“Waan Aragnay Warka kenya ay ku joojineyso Duulimaadyada ka baxa Soomaaliya ee dalkeeda aada,waana ka tashaneynaa,go’aanka ku haboon,ayuu yiri Wasiir Duraan”.

Khamiistii Isbuucii hore Dawlada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inuu dib usoo laabtay xiriirkii diblomaasi ee kala dhaxeeyey Kenya hayeeshee labo cisho ka hor Khaat Kenya laga keenay ayaa lagu qabtay garoonka Muqdisho,iyadoo ay xiisad cusub ay taas ka dhalatay oo Dawlada Soomaaliya sheegtay in weli Khaat-ku mamnuuc yahay ka yimaada Kenya.

You might also like More from author