Soomaaliya Oo Sugeysa Berri Galab & War Maxkamada ICJ Shaacin doonto

Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ayaa berri galab 03:00pm xilliga Hague dhagaysanaysa gunaanadka Dacwadda Baddeena ee inagala dhaxaysa Kenya.

Waxa Ra’iisal wasaare kuxigeenka Mahdi Maxamed Guuleed uu ka hadlay guusha inay udhaw dahay Soomaaliya.

Dad badan ayaa isha ku haya Maxkamada iyo waxa ay soo gudbin doonto xilli badankood Shacabka ay rajo ka qabaan in guul la gaaro.

Waxay Qadiyada Badda Mideysay Soomaalida,iyadoo hadii Kenya laga guuleysto Kiiska Badda ay umuuqan doonto mid Xeebta Lamu weyn doonto.

You might also like More from author