Soomaaliya oo si rasmi ah uga jawaabtay Kenya
Soomaaliya ayaa jawaabteeda ku sheegtay in tallaabada Kenya qaadday ay dhaawac ku tahay garsoorka iyo in la xalliyo muranka daba-dheeraad.
Kenya ayaa shalay ka codsatay maxkamadda ICJ in muddo 12 bilood ah dib loo dhigo dhagaysiga si ay u qabsato qareenno cusub oo difaaca.
Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Dr. Cali Siciid Fiqi ayaa sheegay in Soomaaliya mowqifkeeda uu yahay mid cad,isla markaana marnaba aysan dooneyn in dhageysiga Dacwada Badda eek ala dhaxeeysa Kenya in dib loo dhigo.
Waxaa uu sheegay in hadii Kenya ay xilliga balanta ee Dhageysiga Kiiska ay ka maqnaato ay Soomaaliya kaliya sugeyso Go’aanka Maxkamada,isla markaana dadka Soomaaliyeed ay qabaan rajo badan oo ah in Kenya aan ka guuleysao.