Soomaaliya oo Dacwad kusoo oogtay Maraakiib Shisheeye

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dacwad kusoo oogtay Maraakiib Shisheeye, kuwaasoo si sharci daro ah uga kalluumeystay Xeebaha Soomaaliya.

Xeerilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya dacwaddaha ugu badan ee ku furan ay yihiin kuwo ku saabsan dhanka Badda.

Waxaa uu xusay In Maraakiibtaasi ay qabteen dowladdo Shisheeye xilli ay si sharci daro ah ay uga kalluumeysteen Xeebaha Soomaaliya.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Maraakiibtaasi lagu soo rogay Ganaax iyo in ay bixiyaan dhaqaalihii ay kala baxeen Badda Soomaaliya.

You might also like More from author