Soomaaliya oo cadeymo ka dhan ah Kenya ugudbisey Golaha Amaanka QM

Safiirka Somaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baalle) ayaa Golaha Ammaanka u gudbiyay caddeymo muujinaya duqeymo Diyaaradaha Dagaalka Kenya ay ka geysteen Gudaha Soomaaliya.

Danjire Abuukar Baalle ayaa Golaha Ammaanka ka hor akhriyay cadeymaha ay heyso dowladda Soomaaliya ee la xiriira waxyeellada Ciidamada Cirka Kenya ay ka geysteen Gobalka Gedo, taasoo dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ay ku jiraan Caruur iyo Haween.

Dawladda Soomaaliya ayaa marar badan ka hadashay Khasaaraha soo noqnoqday ee diyaaradaha dagaalka Kenya ka geystaan gudaha Soomaaliya, waxyeellana gaarsiisa dad shacab ah, laakiin waa markii koowaad ee ay xukuumaddu caddaymo geyso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya oo muddo kala go’onaa ayaa maalmahan soo hagaagaya,iyadoo isku socodka duulimaadyada labada dal isbuucaan dib loo furay islamarkaana shalay Kenya ay sheegtay in safaaradeedii Muqdisho dib ufuraneyso.

You might also like More from author