Soomaaliya iyo Qadar oo kulan gaar ah ku yeeshay New York

Dowladdaha Soomaaliya iyo Qadar ayaa kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Newyork ee xarunta Golaha guud ee Qaramada Midoobey.

Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka arrimaha dibadda dalka Qadar Sheekh Maxamed Bin C/raxmaan.

Kulanka ayaa xoogga lagu saaray iskaashiga,wada shaqeynta iyo xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Dowladda Qadar.

Maamul Goboleedyada dalka ayaa todobaadkii la soo dhaafay,waxaa ay ku dhawaaqayeen go’aanno garab marsan dastuurka gaar ahaan maamulka arrimaha dibadda ee ay leedahay dowladda dhexe,waxaana ay ku dhawaaqayeen in ay la safteen Sucuudiga xiriirkana u jarayaan Qadar.

Golaha wasiirrada Dowladda Soomaaliya ayaa Khamiistii la soo dhaafay kulankoodii ku shaaciyay in Dowladda Federaalka ah go’aanka dhex dhexaadnimada leh ee ay ka qaadatay arrinta Khaliijka ay sideedii tahay,dowlad Goboleedyadana matali karin Soomaaliya.

You might also like More from author