Soomaaliya iyo Qadar oo ka wada hadlay Xoojinta xiriirka labada dal

Ra’iisul wasaaraha ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Guulleed iyo Ra’iisul wasaaraha Qadar ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Sheekh Khalid bin Khalifa bin Abdul Aziz al-Thani ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Doxa ee dalka Qadar.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo dardar galin lahaa xiriirka iskaashiga ee labada dal dhinacyada Amniga, Ganacsiga.

Kulanka ayaa sidoo kale ka qeyb galay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee kala ah Axmed Cusmaan Diiriye, Caydaruus Saalax Yuusuf iyo Dr. Cabdullaahi Xaashi Abiib iyo Danjireheenna inoo fadhiya dalka Qadar Cabdirisaaq Faarax Cali Taano.

Wefdiga ka socda Soomaaliya ee ku sugan Qadar ayaa heshiisyo kala duwan la saxiixday mas’uuliyiinta dalkaasi, kuwaasi oo la xiriira Iskaashiga labada dal.

You might also like More from author