Soomaaliland oo mamnuucday in garoomada loo daawasho tego

Si loo xakameeyo faafitaanka Caabuqa Covid19 ayaa waxa la sheegay in la mamnuucay isku imaatinada Goobaha ciyaaraha lagu daawado Soomaaliland.

Waxa la sheegay in hore loo ogolaaday Kubada cagta lagu ciyaaro Garoomada gaarka loo leeyahay balse ay Wasaarada Ciyaaraha mamnuucday in loo daawasho tego.

“Anagoo fulineyna Go’aamada kasoo baxay guddiga heer qaran ee ka hortega Caabuqa Covid19 ayaan soo saarnay Amaradaan:

  • Waxaan Ogolaanay in garoomada Lagu ciyaaro maadaama ay qeyb ka qaadaneyso ciyaaraha jir dhiska iyo in lala tacaalo caabuqa.
  • In Garoomada gaarka loo leeyahay ay fuliyaan ariamaha yareynaya faafinta Cudurka Covid19
  • Waxaa la mamnuucay daawashada Garoomada gaarka loo leeyahay
  • In Garoon walbo uu yaallo qalabka lagu farxasho oo waafaqsan sida ay go’aamiyeen guddiga heer qaran ee Ciyaaraha Soomaaliland
  • In Garoon walbo uu joogo hal askari oo ilaaliya in la fuliyey Nidaamkii la asteeyey

Wareegtadaan waxaa ku saxiixan Agaasimaha Waaxda ciyaaraha Soomaaliland C/rashiid Ceydiid Yaasiin,iyadoo isla maanta la dhaqan gelin doono.

50
50

You might also like More from author