Somali News Taliyaha Asluubta oo qaatay shahaadada musharaxnimo ee BFS

Guddiga maamulka doorashada Koofur galbeed ayaa maanta Magaalada Baydhabo, waxaa ay ka bilaabeen diiwaangelinta musharixiinta u tartameysa kuraas 7- ah oo deegaan doorashadoodu tahay Magaaladaas.

Musharixiin badan ayaa isku soo taagay isku diiwaangelinta kuraastii ugu dambeesay ee ku harsaneed Maamul Goboleedka Koofur galbeed, iyadoo ay socota haatan diiwaangalin musharixinta.

Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa ka mid noqday xubnaha u sharxan kursiga Hop#172, balse waxaa hore ugu fadhiyay Xildhibaan Cali Caddow Maxamed.

Sidoo kale, warar lisla dhexmarayay ayaa sheegaya in Kursigaan ay Madaxtooyada Soomaaliya ku cadaadineysay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis lafta gareen in uu soo qaato si uu ugu tartamo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad balse taasi ayaa u muuqato mid meesha ka baxday.

You might also like More from author