Somali News Doorasho maanta ka dhacaysa Beledweyne

Gudiga Maamulka Doorashada Hir-Shabeelle ayaa Maanta Magaalada Beledweyne ku qabanaya lix kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kuraasta maanta la dooran doono ayaa waxaa ka mid ah

1: HOP#008 oo uu ku fadhiyo Dr Xuseen Cabdi Cilmi, waxaana dadka ku tartamaya kamid ah Maxamed Deeq Bare Fiyoore.

2: HOP#015 oo ay ku fadhiso Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Haweenka Xiis Xasan Aadan, waxaana ku tartami doono isla Xiis Xasan Aadan & musharrax kale.

3: HOP#074 oo uu hadda ku fadhiyo Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdullaahi Colaad Rooble.

4: HOP#086 oo horey waxaa ugu fadhiyay Faarax Sheekh Cabduqaadir, waxaana kursigan u tartamaya la taliyaha Amniga Qaranka ee Farmaajo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

5: HOP#109 oo uu ku fadhiyo Wasiir kuxogeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdul Fataax Qaasim , waxaana la filayaa in isla Cabdiqfitaax Qaasim uu kursigaas kusoo baxo.

6: HOP#274 oo uu ku fadhiyo Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux, waxaana la filayaa in markale kursigaan uu kusoo baxo.

You might also like More from author