siciid Maxamed cali oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisu yahay Hop-093.

Kursiga hop-093 oo kamid ahaa kuraasta Dorashadoodu ka dhaceysay maanta magaalada kismaayo ayaa waxaa ku guuleystay siciid Maxamed cali kaa oo helay codod dhan 74, Halka musharaxa kale ee la tartamayay isna uu helay codod dhan 22cod, Waxaa halaabay 3cod, Ergada codaysay ayaa iyana ahaa 99 qof.

Siciid Maxamed cali ayaa horay uga mid ahaa baarlamaankii sagaalaad waxaana kursigan afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyay sheekh nuur Maxamed xasan oo kamid noqday golihii wasiirada xukuumadii reysalwasaare kheyre waxa uu mar noqday Wasiirka xanaanada xoolaha iyo Wasiirka wasaarada diinta iyo Awqaafta.

Kursigaan uu ku guulaystay siciid Maxamed cali waxaa laga leeyahay degmada jammaame ee gobolka jubada hoose uu ku dhashay musharaxa ku guulaystay kursigaan waa khabiir ku taqsuusay cilmiga beeraha.

Xusuusta kursigaan siciid waxaa uu kamid ahaa dadkii waayay kursigaan 2016ka xilligaas uu kusoo baxay sheekh nuur Maxamed Xasan oo ah mudanihii kursigaan afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyay

You might also like More from author