Siciid Deni oo dhagax dhigay Afar Waddo Muhiim u ah Reer Garowe

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni , ayaa maanta dhaggax dhigay Afar waddo oo laami ah kuwaasi laga hirgelinayo caasimadda Garoowe.

Waddooyinkaan ayaa kala ah Wadada Neksom, Towfiiq, Injida, Jidka 30-ka iyo Wadajir. Waxaana tani qeyb ka tahay qorshaha  horumarinta magaalooyinka Puntland.

Waxa uu shacabka Garowe ugu baaqay inay ilaashadaan marka la dhameystiro dhismaha Waddooyinkaasi.

You might also like More from author