Shirweyne Qaran oo Goordhow Muqdisho ka furmay+SAWIRRO

Magaalada Muqdisho waxaa goordhow ka furmay Shir weyne Qaran oo lagu magac daray “U Helida Xal waraara Qaxoootiga soo laabanaya iyo Barakacayaasha”

Shir weynahaan waxaa soo qaban qaabisay hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR oo kaashaneysa Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Dowladda Soomaaliya.

Munaasabada furitaanka shirkan waxaa goob joog ka ah Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, wasiiro ka tirsan Xukuumada Soomaaliya iyo masuuliyiin ka socda Dowlad Goboleedyada dalka, waxaana uu socon doonaa Muddo sedex maalmood ah.

You might also like More from author