Shirkii Golaha Shacabka Maanta Oo Ajande dhowr ah Lagu Ansixiyey

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa goordhaweyd oo 12:50 daqiiqo Duhurnimadii uu furay Shirka Baarlamaanka oo aad isha loogu wada hayey.

Kulanka waxa la sheegay in arimo la filayey aan lagu soo hadal qaadin,iyadoo Ajandaha marnaba uusan Mursal sheegin inaysan ku jirin muddo kororsi Dawlada Loo sameenayo.

Shirka ayaa waxa xaadiray Xildhibaano gaaraya 139 Mudane,waxaana lagu ansixiyey bilowgii shirka labo Guddi oo ka mid noqonaya Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka.

Axmed Seyli Muuse iyo Maxamed Cabdullaahi Muuse ayaana la shaaciyey in guddiga ka mid yihiin,taas oo xildhibaanadu ansixiyeen.

Intaas kadib Ajandaha Baarlamaanka ayaa la guda galay Arinta Caabuqa Covid19 waxaana Wasiirka caafimaadka Fowsiya Abiikar Nuur ay khudbad ka jeedisey Baarlamaanka.

Xildhibaanadii hore loo mamnuucay inay tegi karaan ayaa laga diiday inay maanta ka qeyb galaan Kulanka goordhaweyd Furmay.

Mahad Salaad iyo Xildhibaano kale ayaa laga hor istaagay inay ka gudbaan koontaroolada Qaar Madaxtooyada Laga ilaaliyo.

 

You might also like More from author