Shirkii Golaha Amaanka K/Galbeed Oo Saraakiil Cadaan ah Ka qeyb galeen

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir gudoomiyey shirka gollaha amniga dowlad goboleedka koonfur galbeed oo todobaadkan ay ka qeybgaleen taliyaha qeybta sedaxaad ciidanka amisom,sarakiil ka socday dowlada ingiriiska iyo qeybaha kala duwan sarakiisha laamaha amniga koonfur galbeed.

Shirka oo ahaa mid saacado qaatay ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay xaaladaha amaan ee deegaanada koonfur galbeed iyo sidii loo bilaabi lahaa howlgalo lagu ciribtiraayo alshabaab ee ku kusugan qeybo kamid ah deegaanada koonfur galbeed iyo sidii loo kordhin lahaa howlgalada lagaga hortago qaraxyada iyo weerarada kale ay ku doonayaan inay ku dhibaateyaan shacabka ku nool gobbolada baay,bakool iyo shabeellaha hoose.

Qaar kamid ah Saraakiisha laamaha amniga ayaa laga dhageystay warbixin ku saabsan amniga iyo howlgalada ay fuliyaan ciidanka waxaana ay sheegeen in ciidanka ay sii laba jibaareen howlgalkooda inta lagu gudajiro bisha barakaysan ee ramadaan

Madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed  Laftagareen ayaa umahadceliyey sarakiisha laamaha amniga waxaana uu  tilmaamay sida ay shacabka iyo dowlad goboleedka koonfur galbeed ay ugu kalsoon yihiin kartida iyo awoodda geesiyaasha Soomaaliyeed ee qeybaha kala duwan ciidanka, isaga oo ku bogaadiyey sida ay naftooda ugu hurayaan difaaca dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxaa uu Madaxweynuhu dhiirri-geliyey saaxibada soomaaliya dadaalka naf-hurnimada leh ee ay ku bixiyeen nabadeynta iyo hormarada dowlad goboleedka KG ku tilaabsatay, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xiriirka iyo wada shaqaynta Labada Ciidan iyo Shacabka.

175828199 4089815467767184 571220675337090825 N

175863727 4089815004433897 5390863311356764986 N

176145274 4089815291100535 5998598600914467395 N

176260627 4089815974433800 7547243499643533527 N

176278352 4089815784433819 1138567751081705633 N

176290718 4089816147767116 914160149346018275 N

176305941 4089815174433880 4202495124645030575 N

You might also like More from author