Shirka Doorashada looga hadlayo oo maanta ka furmaya Muqdisho

Shirka wadatashiga Doorashooyinka ayaa waxa uu maanta ka furmayaa sida la qorsheeyey Magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo lagu waday inuu khamiistii maalin ka hor furmo ayaa dib udhacay Arimo farsamo iyo madaxda qaar oo aan imaanin Casimada Xilligaasi.

Qoor qoor,Madoobe,Deni iyo lafta gareen ayaa muqdisho hadda kusugan,waxaase maqan Cali Guudlaawe oo ah Madaxweynaha Hirshabelle,isagana la filayo inuu saaka Muqdisho soo gaaro.

Warar la helay ayaa sheegaya in Kulanka maanta ka furmaya Xalane uusan qeyb ka noqon doonin Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo taas badelkeedana uu shir gudoon noqonayo Ra’iisal Wasaare Rooble.

Sida la filayo madaxda kulmeysa ayaa laga filayaa inay isku soo dhawaanshiyo ka sameeyaan mad madowgii jiray hanaanka kusaleysan Hirgelinta doorasho loo dhan yahay.

Murashaxiinta Mucaaradka oo dalbaday in ay ka qeyb noqdaan Shirkaasi weli lama sheegin ogolaanshiyo ay kulanka uga qeyb galaan.

Daneeyeyaasha Caalamka ee arimaha soomaaliya ayaa isha ku haya waxa kasoo baxa shirkaasi maanta furmaya,iyagoo taageero umuujiyey Xukuumada oo howlaha doorashada & amniga lagu wareejiyey todobaadyo ka hor.

You might also like More from author