Shirka Doorashada looga hadlayo oo ka furmayo Teendhada Afisiyooni

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa guddoomiyaha Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka dalka oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Teendhada Afisiyooni oo shirka ka furmay ayaa waxa ka qeyb galay madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, HIrshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish.

Shirka maanta furmay ayaa looga hadlayaa dhammeystirka hannaanka doorashooyinka dalka.

Inkastoo hordhac uyahay Kulamada soo socda ayaa hadana dhinacyada waxay isla meel dhigi doonaan ajandaha kulamada soo socda,waxaana la filayaa in qodobo dhowr ah dood laga geliyo inta la shirayo.

Yadadiilo ayaa laga muujinayaa shirka maanta furmay waxaana la sheegay in rajo laga qabo in wax miro dhal ah kasoo baxaan.

You might also like More from author