Shirka Afisiyooni oo galay wareegiisii udambeeyey lana soo gaba gabeenayo

Maanta ayaa mar kale Dhinacyadu ku kulmayaan Teendhada Afisiyooni halkaasi oo seddexdii cisho lasoo dhaafay kulamo ku lahaayeen.

Ilo wareed ay Xamar Post heshay ayaa ku waramaya in qodobo dhowr ah falanqeyn laga sameeyey balse ay aad madaxdu uga doodeen kulankii shalay.

Sida la filayey isniintii waxa shirka laga soo saari lahaa war murtiyeed balse dib ayaa loo dhigay arinta doorashada Soomaaliland xubnaha ka imaanaya oo buuq ka dhashay.

Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland ayaa doodooda ku saleeyey in la xaliyo ismari waaga Mahdi Guuleed & Cabdi Xaashi ee ku saabsan kaltankooda soo xulida xubnaha ka imaanaya Gobollada Wuqooyi.

Afhayeenka Xukuumada Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa waxa uu sheegay in lasoo gaaray meel geba gabo ah sidaa awgeedna ay rajo ka qabaan in natiijo kasoo baxaan kulanka.

Sikastaba maanta gelinka dambe ama berri oo arbaco ah ayaa laga yaabaa in shirka lasoo geba gabeeyo oo war murtiyeed laga soo saaro.

You might also like More from author