Shir Maalintii Labaad ka socda Muqdisho
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Waxaa maalintii labaad ka socda Shir looga hadlaayo xal u helidda Qaxootiga Soomaaliyeed ee soo laabanaya iyo barakacayaasha gudaha dalka.
Shirkan waxaa soo qaban qaabisay hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR,waxaana fulineysa Wasaaradda arrimaha gudaha,Federaalka iyo dib u heshiisiinta Dowladda Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa shalay furay Shirweynaha qaran ee xal-u-helidda Qaxootiga dalka dib ugu soo laabanaya iyo barakayaasha Soomaaliyeed.
Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka sheegay shirkaasi hannaanka iyo qorshaha ballaaran ee uga yaalla Xukuumadda dib u dejinta dadka Soomaaliyeed ee colaadaha iyo abaaraha ka dhacaya dalka ay saameeyeen.