Shir looga hadlayey Maalmaha Xoriyada oo maanta ka dhacay Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa shir gudoomiyey Kulankaan oo ay ka qeyb galeen Xubnaha Guddiga loo xilsaaray Howsha Maalmaha Xoriyada.

Guddoomiyaha guddiga Qaran ee qaban qaabada xuska maalmaha xorriyadda 26 June iyo 1-da Luulyo Cusmaan Abokor Dubbe ayaa kulankaan hay’adaha amniga ka dhageystay warbixin ku saabsan maalmaha muhiimka u ah Qaranka ee xorriyaddaha, kaas oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda Warfaafinta.

Wasiirka Amniga Xasan Xundubeey Jimcaale,Wasiirka Cadaalada C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac,Taliyaha Booliska General Cabdi Xasan Xijaar iyo Xubnaha kale ee Guddiga ku jira ayaa kulankaasi ka qeyb galay.

You might also like More from author